Wasaarada Difaaca Maraykanka oo Xaqiijisey in ay weerar ku Dishay Sarkaal katirsan dagaalyahanada Al-Shabab.

0

Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday sargaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya.

Waxa weerarku Lagu bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo hOteel Mgaalada ku yaalla oo Dad Maraykan ah lagu dilay.

Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay.

Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan

Dhankalle   General Cali baashi oo ah Amaan-duulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in hawl-galkii Shalay ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Sh/Hoose Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa amniyaadka, iyo kuwo kale oo la socday.

Sarkaalkan ayaa waxaa horay madaxdiisa lacag u duldhigtay dowladda Soomaaliya,wuxuuna madax ka ahaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab oo ah kuwo fuliyay dilalka qorshaysan.

Sarkaalkan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Shabeellaha hoose.