DHAGEYSO:Xildhibaano Si kulul UGu Jawaabay Odayaasha Hawiye Hadana Sheegay Maqaamka Caasimada ,,

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si kulul ugu hadlay in Wararka sheegaya in magaalada Muqdisho maamulkeeda lagu wareejinayo beel gaar ah.

Kulanka ayay Xildhibaanada sidoo kale kaga hadleen shirarka isdiidan ee maalmihii dambe ka soconaayay Muqdisho kuwaasi oo loogu hadlaayay lahaanshaha iyo maamulida Caasimada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in maqaamka Caasimada Soomaaliya uu yeelanayo uu go’aaminayo Baarlamaanka isla markaana aysan shaqsiyaad kulmay aysan go’aan ka gaari Karin.

Xildhibaan Khadiiji Maxamed Diiriye ayaa kulanka ka dib la hadashay warbaahinta waxayna aqrisay go’aanka ka soo baxay kulankooda.