DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Sh/Hoose oo biyo dhaamin u sameeyay shacabka ku nool tuulooyinka hoos yimaada gobolkaasi,,

0

Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa tuulooyinka hoostaga gobolkaasi waxa uu ka bilaabay Mashruuc biyo dhaamin ah ka dib markii todobaadyadii ugu dambeeyay uu biya la’aa wabiga shabeele oo qayba badan ka mara dalka, taasina waxa ay keentay dadku ay soo wajahdo biya la’aantii ugu darneyd.

Biya dhaaminta ayaa loo adeegsanayay Booyado la geynayay tuulooyinka ugu daran ee gobolkaasi gaar ahaan kuwa hoos yimaada degmada Afgooye, waxaana si wadajir ah biya dhaaminta uga qayb qaadanaya maaamulka gobolka iyo kan maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya si bulshada intii wax la gaarsiin karo loo gaarsiiyo.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/Hoose iyo masuuliyiin ka socday maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-