DAAWO:- Wabiga Shabelle oo biyo keenay, iyo shacabka Jowhar oo isu soo baxay

0

Wabiga Shabelle oo dhawaantan guray ayaa laga dareemayaa biyo ku soo kordhay iyadoo laga dareemay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa gelinkii dambe maanta arkay biyo ka soo dhacaya xiintoyda oo ah darbi laga dhex dhisay wabiga kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay uu qalalnaa.

Dad isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar leh ayaa lagu arkayay gabaldhacii caawa xiintoyda iyagoo ku qubeysanaya biyaha uu wabiga keenay.

Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiintoyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagayeen xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan.

Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in  maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

xiintoyda-1 xiintoyda-3 xiintoyda-5 xiintoyda-7 xiintoyda-10 xiintoyda-11 xiintoyda-12 xiintoyda-14 xiintoyda-17 xiintoyda-18 xiintoyda-19 xiintoyda-20 xiintoyda-21 xiintoyda-22 xiintoyda-24 xiintoyda-26 xiintoyda-27 xiintoyda-29 xiintoyda-31 xiintoyda-32